Fana: At a Speed of Life!

Kiisaska feyraska ee Qaaradda Afrika oo kor u dhaafay 300,000.

Addis Ababa june 25,2020 (Senee 18,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ugu yaraan 336,019 qof oo ku nool qaaradan Afrika ayaa uu haleelay xanuunka Coronavirus , sida ay maanta oo khamiis ah bayaanka ku soo saartay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga xanuunnada ee Afrika.

Qiyaastii 8,856 bukaan ayaa u dhintey
Waxyeelooyin la xidhiidhaa feyraska, halka 160,800 bukaan ,ay ka bogsadeen qaaradda oo dhan ilaa iyo hadda, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay.

Dalalka dhaca Afrikada koonfuureed, ayaa ah dalalka sida uba’an uu ugu faafay feyrasku marka loo eego dhanka kiisaska ugu badan, iyada oo 116,600 oo qof laga helay xanuunka, halka Afrikada Waqooyina laga helay 87,800 kiis oo feyraska ah. Afrikada Galbeed ayaa iyana laga xaqiijisay 66,600 kiis,
Halka Afrikada Bari iyo Badhtamahana laga diwaangeliyay 33,300 kiis.

Dalka Koonfur Afrika oo keliya ayaa xaqiijiyay 111,800 kiis, Masar 59,600, Nigeria 22,000, Suudaan 8,900 iyo Cameroon 12,600.

Ugu yaraan 3,700 oo qof ayaa ugu dhintey fayraska Waqooyiga Afrika, 2,300 Koonfurta Afrika, 1,200 Galbeedka Afrika, 990 Bariga Afrika, iyo 690 Badhtamaha Afrika.

In ka badan 59,200 bukaan ah ayaa ka soo kabsaday Koonfurta Afrika, 35,800 Galbeedka Afrika, 35,300 Waqooyiga Afrika, 15,800 Badhtamaha Afrika iyo 14,800 Bariga Afrika.

Xanuunka faafaha daran ayaa galaaftay nolosha dad lagu qiyaasay 483,000 oo qof oo dunida oo dhan , iyadoo in ka badan 9.43 milyan kiis-na la xaqiijiyey , halka in kabadan 4.74 milyan oo ruuxna ay kasoo caafimaadeen waxyeellada feyraska,
sida lagu sheegay xogtii ay ururisay jaamacadda inta badan diiwaangelisa xogaha ku saabsan feyraska ee Johns Hopkins.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.