Fana: At a Speed of Life!

komishineerka Midowga Afrika ee arrrimaha siyaasada,nabadda iyo Amniga oo Itoobiya ugu hambalyeeyay doorashadii guud ee ka dhacday dalka

Addis Ababa,June 30, 2021 (Senee 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Koomishineerka Midowga Afrika (AU) ee arrimaha Siyaasada, Nabada iyo Amniga, Danjire Bankole Adeoye ayaa ugu hambalyeeyay dowlada iyo shacabka Itoobiya guusha ay ka gaadheen doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Koomishineerka ayaa dhanka kale, uga warbixiyay Wakiilka Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Midowga Afrika Yilma Tesfaye, xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo guud ahaan gobolka.

Munaasabadaas  ayaa Koomishineerka  waxa uu ka bogaadiyay sidii nabadglayda ahayd  ee dorashooyinku ay guud ahaanba dalka uga dhaceen .

Wuxuu intaa sii raaciyay dadaallada la wado ,ee wax looga qabanayo xaalada ka taagan deegaanka Waqooyiga Itoobiya ee Tigray.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.