Fana: At a Speed of Life!

Komishinka Xallinta Cabashooyinka DDS oo sannadkan 2013 qaabilay 5,300 kiis oo cabasho ah

 

Addis Ababa,May 03, 2021 (Miyasiya 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Komishinka Qaabbilaadda Iyo Xallinta Cabashooyinka DDS ayaa sheegay in sannadkan 2013-ka T.I uu komishinku qaabilay 5,300 kiis oo cabasho ah.

Komishinka Qaabbilaadda Iyo Xallinta Cabashooyinka DDS oo la aas-aasay 2005-ka T.I ayaa ujeeddooyinka loo aas-aasay ahayd in la darso dhibaatooyinka ka jira hannaanka adeeg-bixinta shaqo ee qaabbilaadda cabashooyinka bulshada ee la xidhiidha adeegyada horumarinta aas-aasiga ah.

Iyo sidoo kale, in la hindiso hannaan cusub oo xallinaya cabashooyinka shacabka, waxaa sidoo kale lagama-maarmaan noqotay in si qotodheer loo darso xarumaha adeeg-bixinta ee dhinnaanshuhu ka jiro si haayadaha dawladda ee adeegga siiya shacabka ay u noqdaan kuwo bixiya adeeg raali-geliya bulshada loo-adeegeyaasha ah.

Komishinkan oo isbaddalka kahor magac-u-yaal ahaa, wax adeeg ahna aan siin jirin bulshada ayaa isbaddalka kaddib di-u-habayn ballaadhan lagu sameeyay. komishinka oo awal ka hawl-gali jiray heer deegaan oo kali ah ayaa hadda loo dhaadhiciyey 11-ka gobol iyo 6-da maamul-magaalo ee deegaanka; sida ay noo sheegtay komishineeradda Komishinka Qaabbilaadda Iyo Xallinta Cabashooyinka DDS Dr.Ifraax Maxammuud, Komishinka ayaa sannadkan 2013-ka T.I qaabilay 5,300 oo cabasho.

Yoolasha Komishinka Qaabbilaadda Iyo Xallinta Cabashooyinka DDS ayaa ah in la hirgaliyo hannaan cabashooyin oo cilmiyeysan, kuna salaysan daraasaad lagu xaqiijinayo taabbo-gelinta geeddi-socodka horumarineed, shacabkuna ay ku dhiiban karaan cabashooyinkooda.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.