Fana: At a Speed of Life!

Koobka Maamul Magaalooyinka iyo Gobollada DDS oo maanta ciyaartii kama dambaysta ahayd ay wada ciyaarayaan xulalka M.M Jigjiga iyo Gobolka Jarar

Addis Ababa,Mar 07, 2021 (Yekatit 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa maanta oo Axad ah lasoo gebagebaynayaa tartanka 8aad ee koobka Maamul Magaalooyinka iyo Gobollada DDS ,waxaana foodda is daraya xulalka kubadda cagta ee Maamul magaalada Jigjiga iyo Gobolka Jarar oo isagu difaacanaya koobka.

Labada xul ayaa horay uga wada tirsanaa Group A,iyaga oo ciyaartii dhex martayna ay ku dhammaatay barbaro gool la’aan ah.

Xulka M.M.Jigjiga  ayaa Wareeggii Afar-dhammaadka (semi finalka) 2-0 uga soo tallaabsaday gobolka Faafan ,taas ay ugu soo gudbeen ciyaarta kama dambaysta ee  ay maanta wada ciyaaraan gobolka Jarar,halka M.M.q/dahar oo loo saadaalinayay in ay koobka hanato ay soo dhaafi kari waayeen gobolka jarar oo rigoorayaal (gool ku laad) 1-4 kaga soo badiyay.

Kulankan dhexmarayaya labada xul ayaa ah kulan xamaasadiisa wata ,maadaama kulankii hore ee ay heerka Groupk  isku arkeen taageerayaal badani soo buux dhaafiyeen garoonka kubada cagta ee Jigjiga Stadium.  Si kasta ha ahaatee waxa aynu dhawri doona xulka galabta la hoyda  koobka Maamul Magaalooyinka iyo Gobollada DDS ee sannadka 2013 (2021).

Ciyaarta ayaa bilaabmaysa saacaddu marka ay tahay 3:30 ama (9:30) PM.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.