Fana: At a Speed of Life!

koonfur Afrika oo xuduudaheeda u xidhatay soolabakaclaynta cudurka Covid-19 awgii

Addis Ababa,Jan 12, 2021 (Dir 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha  dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku dhawaaqay in xuduudooda dhuleed ay ka xidhnaan doonto  inta badan socdaalayaasha ilaa iyo 15-ka bisha Febraayo, tallaaabadan oo lagaga hortagayo faafitaanka cudurka coronavirus.

Khudbad uu telefishanka ka jeediyay  habeennimadii Isniinta ayuu madaxweyne Ramaphosa ku sheegay in aafada ka jirta Koonfur Afrika ay haatan marayso meeshii ugu xumayd, iyada oo tirada caabuqyadu ay aad uga badaniyiin mawjawdihii ugu horrreeyay ee fayraska.

Wuxuu yidhi waxaa jiray ku dhowaad 190,000 kiis oo la diiwaangeliyay tan iyo Maalintii bilowga  Sannadka Cusub, waxaana hadda jira in ka badan 15,000 oo qof oo Covid-19 u jiifa cisbitaalka.

Xayiraadii la soo rogay dhammaadkii  Diseembar ayaa lasii kordhin doonaa.

Waxa la mamnuucay goobaha khamriga, meelaha dalxiiska sida xeebaha sidoo kale waxa la mamnuucay  kulamada bulshadu ay isugu imanayso.

Madaxweynaha Ramaphosa ayaa ka digay in aasku u faafitaanka fayraska uga sii darayo.

“Aasku wuxuu dabin dil ah ku noqday dad badan oo dadkeena ah,” ayuu yidhi, isaga oo dadka ku boorriyay inay guryahooda joogaan.

Madaxweyne Ramaphosa wuxuu sheegay in barnaamijka talaalka ee Koonfur Afrika  ay qorsheyneyso in la hirgeliyo uu noqon doono mashruucii ballaadhnaa  ee taariikhda dalkaasi la gaadhsiiyo.

Wuxuu sheegay in 20 milyan oo xaddiga tallaalka ah mar horeba la hubiyay, oo la keenayo bilaha soo socda, wada-xaajoodyaduna ay weli u socdaan shirkado kala duwan oo soo saarayaal ah.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.