Fana: At a Speed of Life!

kooxaha samatabixiyayaasha ee dalka Lubnaan ayaa weli wada dedaalo lagu baadigoobayo dad la la’yahay

Addis Ababa Aug 6, 2020 (Hamle 30,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Kooxaha samatabixiyayaasha ayaa weli sii wada badigoobka loogu jiro dad la la’ayahay oo laga baadhayo goobtii uu qaraxa xoogani ka dhacay ee dekedda magaalada Beyruut ee dalka lubnaan.

Kooxaha samatabixinta oo isugu jira hay’adda laanqayrta cas (Red Cross),ciidamada qalabka sida ,iyo mutadawaciinba kale ayaa baadhaya dad ilaa hadda la la’ayahay oo ka ag dhaw goobtii dhulka la simintay ee agagaarka dekedda beyruut.

Saraakiil ayaa sheegay in tirada  dhimashada ee uu qaraxu geystay ee ilaa hadda la xaqiijiyay ay ugu yaraan tahay 137 ruux halka in ka badan 5000 qof-na ay dhaawacyo kala duwani kaso gaadheen iyada weliba khasaaruhu intaas kasii badan karo.koox Baadhayaal reer Lubnaan ayaa baadhaya sababta ka dambaysay qaraxii xooganaa ee dhimashada badan ka geystay Beirut waxa ayna  xooga saarayaan dayacii suurtagalka ah ee gooobta  lagu kaydiyo tanan ah walxaha qaraxaha ee bacriminta  , halka dowladda ay ku amartay xabsi guri dhowr mas’uul oo ahaa saraakiishii dekeda.

Golaha wasiirada ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo labo todobaad ah oo lagu soo rogayo caasimada iyada oo ciiddamada amaankana lagu wareejinayo magaalada.

xigasho:Aljazeera

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.