Fana: At a Speed of Life!

Kooxda argagixisada TPLF oo horjoogsatay gargaarkii bani’aadannimo ee loo daabulayay Deegaanka Tigray

Addis Ababa,July 18, 2021 (Hamle 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kooxda argagixisada ah ee TPLF ayaa horjoogsatay gargaarkii bani’aadannimo ee loo waday magaalada Maqalle,siina dhexmarayay Deegaanka Canfarta iyaga oo la beegsaday marinkaasi duqaymo madaafiicda calculus ah.

Dhawaan dowladda dhexe ee federaalka ayaa waxa ay ku dhawaaqday xabad-joojin bilaa shuruud ah ,si loo fududeeyo gargaarka bani’aadannimo ee Deegaanka Tigray.
Waxaana xabad-joojintaa ka dib,ay guddiga Qaran ee maaraynta masiibooyinka soo saareen baaq ah in gargaar bani’aadannimo la gaadhsiiyo Deegaanka Tigray.

Maanta oo keliya ilaa 60 baabuurta qaada xamuuloa oo siday raashin iyo Saad kale ayaa u gaadhay Deegaanka Canfarta, si gargaarka bani’aadannimo ay u gaadhsiiyeen dadka tabaalaysan ee Deegaanka Tigray,balse nasiib darro waxa hakad geliyay duqayntii cuslayd ee kooxda argagixisada ee TPLF ay ku beegsatay baabuurtii siday gargaarka bani’aadannimo.

Kooxda argagixisada TPLF ayaa duqaymo la beegsatay fadhiisimaha ciidanka gaarka ah ee Deegaanka Canfarta, si ay khalkhal u geliyaan marinnada uu gargaarka u marayo Deegaanka Tigray ,ilo wareedyo lagu kalsoonayay ayaa xaqiijiyay in marinka xuduuda ee Sedro uu xidhanyahay,sababo la xidhiidha duqaymahaas kooxda argagixisada ee TPLF.

Sida laga warqabo,kooxda argagixisada ah ee TPLF oo ka baxday xabad-joojintii ay dhaqangelisay dowladda dhexe,ayaa waxa ay isku deyaysaa in uga faa’idaysto in colaad ay ka huriso Deegaanka Canfarta.

Inkasta oo xaaladdaasi jrto,haddana 61 baabuurta xamuulka qaada ayaa gargaa bani’aadannimo dhawaan gaadhsiiyay Deegaanka Tigray, sida ay werisay wakaalada wararka ee Itoobiya(ENA) ayaa waxa ay gawaadhidaasi isugu jireen 34 siday raashin iyo 26 siday Saad uu ka mid ahaa 47,000 littir oo shidaal ahi oo gaadhay magaalada Maqalle.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.