Fana: At a Speed of Life!

Kooxda Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska

Addis Ababa,May 12, 2021 (Ginbot 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska, kaddib markii deriskeeda Manchester United oo kula loollameysay horyaalka ay guuldarro 2-1 ka soo gaadhay ciyaartii xalay ee kooxda Leicester City ay garoonkeeda Oldtraford kaga badisay.

Guuldarrada Manchester United soo gaadhay ayaa ka dhigan guusha horyaalka ee City oo ka horreysa 10 dhibcood oo nadiif ah, iydoo leh 80 dhicood, waxaana horyaalka xilli ciyaareedka 2020-2021 ka hadhsan saddex kulan ookeliya.

Inkasta oo kooxda Chelsea ay todobaadkan uga badisay garoonkeeda Etihad, haddana Manchester City ayaa sanadkan si qurxoon ugu guuleysatay horyaalka dalkeeda.

“Waxaan mar kasta ku xasuusan doonnaa xilli ciyaareedkan qaabkii aan ku qaadnay horyaalka” ayuu yidhi Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola oo ku faraxsanaa inay horyaalka qaaadan iyagoon xitaa garoonka imaan.

Waana markii saddexaad ee Guardiola uu Manchester City u qaado horyaalka Ingiriiska.

Haddii ay eegno kooxaha ugu guulaha badan premier league-ga Ingiriiska tan waqtigii magacan loo bixiyay ee 1992-kii, waxa loogu kala guulaystay sida tan:

1.kooxda Manchester United=13 horyaal oo premier league ah

2.Manchester City =5

3.Chelsea=5

4.Arsenal=3

5.Liverpool=1

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.