Fana: At a Speed of Life!

Kulan ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka ee dalka iyo Xafiiska Caafimaadka DDS oo ka dhacay magaalada Jig-jiga.

Addis Ababa,Apr 13, 2021 (Miyasiya 05,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS Mudane Xasan Maxamed, wasiiru dawlaha Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Marwo Saharla Cabdullaahi, wasiir ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Mukhtaar Yuusuf iyo xafiisyada kale ee bah-wadaagta la ah Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida.

Kulankan ayaa lagaga hadlayey hannaanka maaliyadeed, qorshaha dakhli uruurinta iyo daryeelka xarumaha caafimaadka, isbitaallada Deegaanka Soomaalida ay u la soo bixi lahaayeen dakhligooda.

Qorshahan oo ay billowday Xafiiska Caafimaadka sannadkii 2003-ka T.I ayaa xukuumadda dawlad Deegaanka Soomaalida wadaan dadaallo lagu hirgalinayo qorshahan dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay Deegaanka.

Masuuliyiinta ayaa sheegay hawshani in ay tahay mid wax weyn ka taraysa hannaanka maaliyadeed, qorshaha dakhli uruurinta, xarumaha caafimaadka iyo isbitaalladaba, islamarkaana loo baahan yahay bulshada inay hesho adeeg caafimaad oo dhinac kasta ka dhammaystiran.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.