Fana: At a Speed of Life!

Kulan lagu qiimeynayey waxqabadka mashruuca horumarinta magaalooyinka ee UIIDP ee deegaannada Soomaalida, Hararida iyo Is-maamulka Diridhabe oo ka qabsoomay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,July 16, 2021 (Hamle 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kulan lagu qiimeynayey waxqabadka mashruuca horumarinta magaalooyinka ee UIIDP ee deegaannada Soomaalida, Hararida iyo Is-maamulka Diridhabe ayaa lagu qabtay magaalada Jig-jiga.

Qiimeyntan oo diiradda lagu saarayey waxqabadka saddexdii (3) sano ee la soo dhaafay ee barnaamijkan ayaa kulmiyey masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne-ku-xigeenka DDS iyo wasiiru-dawalaha Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha JDFI.

Ibraahim Cusmaan, madaxweyne-ku-xigeenka Deegaanka ayaa sheegay in mashruucan oo ujeeddadiisu tahay horumarinta magaalooyinka uu qeyb ka qaadanayo helitaanka magaalo cagaaran oo nadiif ah.

Dhanka kale, wasiiru-dawalaha Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha JDFI ayaa sheegay in ujeeddada mashruuca UIIDP yahay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee magaalooyinka sida bilicda, waddooyinka iyo waliba shaqo-abuurka.

Saddexdii sano ee u dambaysay mashruucan afar (4) magaalo oo uu Deegaanka Soomaalida ka hawl-galayey waxaa lagu fuliyey 42 Km oo ah dhagaxa goglan, 173 Km oo ah waddooyinka jayga ah, 17 hektar oo ah cagaarin lagu sameeyey iyo adeegyo kale, gaar ahaan adeegyada aas-aasiga ah ee magaalooyinka, taasi oo muwaaddiniin badan ay shaqo-abuur ka heleen.

War-bixinta qiimeynta mashruucan ayaa socon doonta muddo labo maalmood ah.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.