Fana: At a Speed of Life!

Kulan lagu soo bandhigayey sidii loo aas-aasi lahaa komishinka baadhista tacaddiyadii ka dhacay Deegaanka Soomaalida oo ka qabsoomay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,June 27, 2021 (Senee 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kulan lagu soo bandhigayey sidii loo aas-aasi lahaa komishinka baadhista tacaddiyadii ka dhacay Deegaanka Soomaalida ayaa ka qabsoomay magaalada Jig-jiga.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qaar ka mid ah masuuliyiinta Xafiiska Nabadgelyada Deegaanka, xafiisyada bah-wadaagtiisa, culimmo-awdiinka, Golaha Nabadda iyo Midnimada Deegaanka, ururrada bulshada iyo qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd mid lagu soo bandhigayey aas-aaska Komishinka Baadhista Tacaddiyadii ka Dhacay Deegaanka, kaasoo ay soo diyaariyeen guddi ay xukuumadda deegaanku u saartay in ay baadhis iyo soo-bandhigis ku sameeyaan tacaddiyadii ka dhacay Deegaanka, islamarkaana ay si qoto-dheer u soo baadhaan dhibaatooyinkii loo geystay shacabka DDS iyo in sidii cid walbe oo tacaddi ka geysatay deegaanka sharciga loo horkeeni lahaa.

Baadhitaan dheer kaddib, guddigu waxa ay isla qaateen in la aas-aaso komishin baadhis iyo soo-bandhigis ku sameeya cid walbe oo tacaddi iyo xad-gudub ka qeysatay deegaanka, islamarkaana sharciga loo horkeeni lahaa.

Garaad Kulmiye Garaad Maxammed oo ka mid ah guddiga ay xukuumaddu u xil-saartay baadhista tacaddiyadii ka dhacay deegaanka ayaa sheegay in tacaddigii ka dhacay deegaanka uu yahay nabar aan bogsoonin oo ku yaalla quluubta shacabka, islamarkaana ay lagaga maar-maan tahay in sharciga la horkeeno, si taas loo hirgeliyana loo baahan yahay in la aas-aaso Komishinka Baadhista Tacaddiyada.

Hoggaanka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (PhD) ayaa sheegay in ay dadaal ku bixin doonaan sidii ay baarlamaanka deegaanku u ansixin lahaa komishinkan, isaga oona carrabbaabay in hadafka komishinkani yahay caddaynta iyo sugidda xuquuqda dulmaneyaashii deegaanka.

Xuseen Xaashi Qaasim (PhD), hoggaanka nabadgelyada DDS ayaa mar uu ka hadlayey kulankani sheegay in dhibaneyaashii ay soo gaadheen tacaddigu ay tahay in ay helaan xaal-marin, si taas ay u helaanna ay lama huraan tahay in dadkii u geystay hagardaamooyinka shacabka sharciga la horkeeno.

Ugu dambayn, guddiga ay xukuumadda u xil-saartay baadhista dhibaatooyinkii loo geystay shacabka deegaanka ayaa Xafiiska Nabadagelyada DDS ku wareejiyay dukumentiga uu ku shaqayn doono komishinku, kaasi oo uu ka guddoomay hoggaanka nabadgelyada.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.