Fana: At a Speed of Life!

kulan lagu taageerayo biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya oo halku dhig looga dhigay “Caddaaladda Iyo adeegsiga Sinnaanta”

Ababa Oct 18, 2020 (Tiqimti 08,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Urur ay ku bahoobeen bulshada rayidka ah oo loogu magac daray Cadaalada Bini’aadantinimada oo kaashanaya golaha garanka ee isuduwidda kaqaybqaadashada dadweynaha ee dhismaha biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD) ayaa soo qabanqaabiyay dood cilmeeyeed lagu gorfaynayo biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya kaas oo halku dhig looga dhigay “Caddaaladda iyo Adeegsiga Sinnaanta”.

Wakaaladda Ururada Bulshada Rayidka, Ururka Qurbajoogta Itoobiya iyo shirkado kale ayaa qayb ka ahaa shirkan oo diiradda lagu saarayay samaynta doodyahanno aqoondheeraad u leh u doodista biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya.

Shirka waxaa ka soo qayb galay aqoonyahano tiro badan oo cilmi baadhis kala duwan ka sameeyey arimaha biyo-xidheenka iyo boqolaal kale u dhaqdhaqaaqa mashruucan.

Agaasimaha cusub ee dhawaan loo magacaabay golaha qaranka ee isuduwidda kaqaybqaadashada dadweynaha ee dhismaha biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya, Dr. Aregawi Berhe, ayaa munaasabadda ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo sii socoshada iyo isku dubaridka taageerada si loogu guuleysto dhammaystirka biyo-xidheenka.

Dhanka kale,bandhigyo diiradda saaraya siyaabaha lagu xoojin karo kaqeybgalka bulshada iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ayaa lagu soo bandhigay munaasabadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.