Fana: At a Speed of Life!

Kumanaan arday ah oo ku dhaqan magaalada Bahir Dar oo ku biiray dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee #NoMore

Addis Ababa,DEC 03,2021 (Hidar 24,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Kumanaan arday ah oo ku dhaqan magaalada Bahir Dar ayaa ku biiray dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee #NoMore kaas oo si heer sare ah loogu gudbinayo codka xorriyadda iyo ka soo horjeedka faragelinta reer galbeedka ee arrimaha gudaha ee Afrika.

Bannaanbaxa ka dhacay magaalada ayaa halku-dhiggiisu ahaa “haddaanu nahay ardayda waxaan kelmadaha ugu adag ku cambaaraynaynaa faragelinta Shisheeyaha”.

In ka badan 20,000 oo arday ka kala socday dugsiyada kala duwan ee magaalada ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada si ay uga dhiidhiyaan faragelinta ay reer galbeedka ku hayaan arrimaha gudaha Itoobiya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.