Fana: At a Speed of Life!

Kuuriyada waqooyi oo tijaabisay laba kantaal oo cabsi ku abuuray Maraykanka

Addis Ababa,Mar 26, 2021 (Megabit 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kuuriyada Waqooyi ayaa warkii ugu horreeyay ee ay soo saartay kaddib tijaabada gantaalka ku sheegtay in gantaalladii ay tijaabisay shalay ay yihiin “nooc cusub”.

Waa tijaabadii ugu horreysay ee dalkaasi uu sameeyay ku dhowaad sanad kadib iyo markii ugu horreysay tan iyo intii uu Joe Biden noqday Madaxweynaha Mareykanka.

Mr Biden ayaa sheegay in Mareykanka uu “jawaab ku habboon” ka bixin doono. Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koofureed ayaa cambaareeyay tijaabadaas.

Sida ku xusan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Pyongyang waa ka mamnuuc inay tijaabiso gantaalladan oo kale.

Warka ay maanta soo saartay Kuuriyada Waqooyi waxaa lagu sheegay in labada gantaal ay jareen masaafo dhan 600km (373 meyl) oo loo ganay dhanka xeebta bari ee Kuuriyada Waqooyi, tan oo beenineysa warkii Japan ka soo baxay ee ahaa in gantaallada ay keliya jareen 400km.

“Horumarinta hubkan wuxuu muhiim u yahay xoojinta quwadda milatariga alka iyo iska caabbinta dhammaan khataraha milatari,” ayuu yidhi Ri Pyong Chol, oo ah hoggaamiyihii sare ee goobjoogga ka ahaa tijaabada. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ma uusan joogin.

Sida ay sheegtay Pyongyang, gantaalka cusub wuxuu awoodaa inuu qaado ilaa 2.5 tan oo hub ah taas oo suurtogal ka dhigeysa inuu qaado madaxda nukliyeerka.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.