Fana: At a Speed of Life!

Maamulka Magaalada Addis Ababa oo 100 milyan oo Birr ugu deeqay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee deegaanka Soomaalida

Addis Ababa,Jan 14,2022 (Dir 06,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Maamulka Magaalada Addis Ababa ayaa 100 milyan oo Birr ugu deeqay gobollada ay abaaruhu saameeyeen ee ka tirsan deegaanka Soomaalida.

Maayarka Maamulka magaalada Addis Ababa, Adanech Abebe, ayaa dad lagu qiyaasay 2.4 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dawlad deegaanka Soomaalida ku wareejisay lacag dhan 100 milyan oo Birr oo isugu jirta cunto iyo saad kale.

Intii ay socotay munaasibadii wareejinta gargaarkan, Maayar Adanech Abebe ayaa tidhi, “Xanuunkiinnu waa xanuunkayaga, dhibaatadiinnuna waa dhibaatadayada. “Waxaan dareensanahay in dhammaanteen waxyeelladu inasoo wadagadhay .”

“Dalkeennu wuxuu awood u leeyahay inuu ka gudbo dhibaatada uu hadda waajahayo innaga oo isku duuban. Waxaynu kaga gudbi doonaa; Wixii tamar aynu leenahay, awooddeenna ah, qiimaha iyo waaya-aragnimada aynu bixin karno,” ayay tidhi.

Sida ay sheegtay maayarku deeqdan ayaa noqonaysa wajigii koowaad ee gacan ka geysashada xaaladda abeereed ee ku dhufatay gobollo ka mid ah deegaanka soomaalidda.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumad Cumar ayaa ku baaqay in dhammaan shacabweynaha Itoobiya ay kaalintooda ka qaataan gurmadka waajibaadka qaran ee ka saaran abaaraha ka jira deegaanka, waxaana uu u mahadceliyay maamulka magaalada Addis Ababa oo uu sheegay in ay gacan weyn ka geysanayaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran.

Maayar Adanech ayaa sheegtay in deegaanku uu dedaal xooggan ugu jiro sidii looga hortagi lahaa in abaartu isu beddesho macaluul.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.