Fana: At a Speed of Life!

Maamulka magaalada Addis Ababa oo munaasibad sagootin ah u sameeyay dhalinyaro si iskooda isku soo abaabulay si ay uga qayb qaataan olalaha qaran ee xoojinta cududa ciidanka Qaranka

Addis Ababa,July 27, 2021 (Hamle 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kumanaan kun oo kamid ah shacabka kudhaqan magaaladan Addis Ababa, ee muwadiniinta, Halyeeyada iyo saraakiisha sarsare dawlada ee ayaa  sagootin u sameeyay dhalinyarada sida iskooda isku soo abaabulay si ay uga qayb qaataan olalaha qaran ee xoojinta cududa ciidanka  ,iyada oo qoritaankooda ay ugu biirayaan ciidamada laga bilaaabay dhammaan degmooyinka caasimada ee Addis Ababa.

AdaneJ Abebe oo ah kuxigeenka Duqa magaaladan Adis ababa ayaa qudbad ka jeedisay isu soo bixii, waxayna ku amaantay dhalinyarada sida dhaqsaha leh ee ay uga jawaabeen baaqii dowlada ee ahaa inay ku biiraan halganka socda ee lagu difaacayo qaranimada dalka.

Waxa kale oo ay ku boorisay dadka degan Addis Ababa ee asal ahaan ka soo jeeda deegaanka Tigrayga inaysan ku kadsoomin dacaayadaha kooxda Juntaaga TPLF ,isla markaana ay qaybtooda ka qaataan sidii shacabka Tigrayga looga badbaadin lahaa dhibaataynta kooxda argagixisada ah.

Wakiillada waddaniyiinta iyo halyeeyada ayaa ugu baaaqay  askartii is qoraysay  in geesinnimada iyo dhiirrananta ay kaga daydaan awoowyaashood, si  ay uga hortagaan khaa’imiinta shirqoolaya duminta qaranka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.