Fana: At a Speed of Life!

Maasuuliyiin ka tirsan Xukuumada DDS ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Djibouti Hantiilayaasha ku dhaqan dalka Jabuuti.

Addis Ababa,Jan 12, 2021 (Dir 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxaa Xalay Kulan ku yeeshay Hotelka Capital ee Magaalada Djibouti Masuuliyiin ka socotay Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo qaar ka mid ah Hantiilayaasha reer Djibouti ee ku nool wadanka Djibouti.

Kulankaas oo ay ujeedadiisu ahayd sidii ay Hantiilayaasha wadanka Djibouti usoo maalgashan lahaayeen Deegaanka Soomaalida.

Kulanka Waxaa furay Wasiirka Maalgashiga iyo Qurbajoogta DDS Mudane C/salaan Yuusuf, isaga oo la wadaagay Ganacsatada guud ahaan isbadalka ka socda Ethiopia, Deegaanka Soomaalida iyo fursadaha maalgashi ee kajira ee ay ka faaidaysan karaan.

Kulanka waxaa ku wehilayay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada DDS oo iyaguna hadalo muhiim ah ka soo jeediyay goobta Wasiir kuxigeenka Warfaafinta DDS, Mudane Jimcaale Axmed iyo Wasiir kuxigeenka Maaliyada DDS, Mudane Xasan Bulbul.

Hantiilayaasha reer Djibouti waxay dhankooda soo bandigeen inay danaynayaan inay Maalgashadaan Deegaanka Soomaalida, Magaalada Diredawa iyo guud ahaan Dalka Ethiopia dhinacyo kala duwan.

Gabagabadii kulanka waxaa la isla qaatay in kulanka balaadhan ee ka dhici doona Magaalada Jigjiga 25-26 January 2021 ee lagu soo bandhigi doono fursadaha Maalgashi ee ka jira Dawlada Deegaanka Soomaalida inay ka soo qayb galaan Hantiilayaasha reer Djibouti kulankaas oo aad muhiim u ah laguna soo bandhigi doono fursadaha maalgashi ee guud ahaan ka jira Deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Warfaafinta DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.