Fana: At a Speed of Life!

Madaxa maamulka kumeel-gaadhka ah ee deegaanka Tigray oo cambaareeyay falal argagixiso oo ay ku kacday kooxda argagixada ah ee TPLF

Addis Ababa,June 26, 2021 (Senee 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxa  maamulka kumeel-gaadhka ah ee deegaanka Tigray, Dr. Abrham Belay ayaa si adag u cambaareeyay weerar gagixiso oo kooxda ‘TPLF’ ay ku bartilmaameedsatay qaar ka mid hay’addaha samafalka ee deegaanka Tigray.

Madaxa guud wuxuu cambaareeyay ficilada foosha xun ee kooxda argagaxisada ah ee  TPLF ay ku bar tilmaameedsanayso hay’adaha gargaarka iyo samafalka ee ka howlgala Tigray.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa waxa lala beegsaday isku duwihihii kooxda badbaadinta ee hay’adda MSF, Maria Hernandez ,Yohannes Halefom (Kaaliyaha Isuduwaha) iyo Tedros Gebremariyam oo ahaa Darawalkii hay’adda oo isna lagu diley Tigray khamiistii ,waxaana maamulka kumeelgaarka ah ee Tigray uu aad uga murugooday falalkaas foosha xun ,iyaga oo balanqaaday in ay dardargelinayaan hawlgalladoda ay kooxda argagisada ah ay ku baacsanayaan.

”Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka ay quseyso inay cod dheer ku cambaareeyaan falkan waalida ah ee argagaxisada ee looga soo horjeedo gargaarka iyo dadaallada nafaha lagu badbaadiyo ee ay wadaan ururo kala duwan oo ka socda qeybaha kala duwan ee Tigray ”ayuu yidhi madaxa guud.

Maamulka kumeelgaadhka ah balanqaaday inuu fulinayo howlaha iskuxidhka gargaarka iyo gaadhsiinta gargaarka ee meelaha ay dhibaatadu ka jirto iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ay quseyso dowlada Federaalka Itoobiya, wuxuuna ku dhiirigeliyay adkeysiga iyo feejignaan dheeraad ah ee meelaha qaar ee kooxda argagixisada ahi gabaadka ka dhiganayso iyo kooxaha hubeysan ee la shaqeeya,ee shacabka ku dhex dhuumanaya.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska iyo asxaabta dhibanayaashii iyo dhamaan kooxda hay’adda MSF ee Itoobiya”, ayuu yidhi Dr. Abrham oo ah madaxa maamulka kumeelgaadhka ah ee deegaanka Tigray.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.