Fana: At a Speed of Life!

Madaxwaynaha DDS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka ku meel-gaadhka ah ee UNICEF laanteeda Itoobiya.

Addis Ababa,Jan 12,2022 (Dir 04,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxwaynaha DDS ayaa maanta kulan la yeeshay wafti uu hogaaminayay wakiilka kumeelgaadhka ee UNICEF laanteeda Itoobiya Gianfranco Rotigliano. Waxayna ka wada hadleen xaaladda gurmadka abaaraha iyo hanaanka ay tahay in loo maareeyo.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa masuuliyiinta uga xog warramay xaaladda bili’aadamtinimo ee ka jirta Deegaanka iyo dadaaladda ka xukuumad ahaan la sameeyay, halka masuuliyiintii heer Deegaan ee kulankani ku weheliyay Madaxweynahana ay si faah-faahsan usoo bandhigeen baaxada abaarta iyo bulshooyinka u baahan gurmadka joogtada ah.

“Aniga oo ka duulaya abaarta daran ee ka jirta Deegaanka Soomaalida waxa aan ka shaqayn doonaa qaabkii anaga iyo hay’addaha kale ee deeq bixiyayaashuba aanu doorkaanaga uga qaadan lahayn gurmadka abaaraha.”, Gianfranco Rotigliano

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar Cumar sheegay in Ka xukuumad ahaan billowgii abaaraha ay u qoondeeyeen kharash dhan 200 oo milyan, taasi oo tan iyo maanta aan kula tacaalayno ka jawaabidda abaarta ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Ugu danbayn kulankan ayuu hoos udhaadhiciisu ahaa badbaadinta nolosha bulshada, ka-hor-tagga nafaqo-darada maadaama xili abaareed lagu jiro iyo in indhaha caalamka la tuso xaaladda ay ku sugan yihiin bulshada Deegaanka ee la daalaa dhacaya abaarta, masuuliyiintan ayaana la filayaa in kormeer ay kusoo markaan goobaha ay abaaruhu ka jiraan.

In kabadan 80 degmo oo ka kala tirsan 10 gobol oo ka mida Deegaanka Soomaalida ayay saamaysay abaartu, waxaana ka socda gurmad biyo-dhaamin iyo raashinba isugu jira oo ay xukuumaddu wado.

Xigasho: Xafiiska Warfaafinta DDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.