Fana: At a Speed of Life!

Madaxwaynaha DDS oo kormeeray hab-sami-socodka shaqo ee Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dalka, gaar ahaan xarunta ay ku leedahay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,Mar 30, 2021 (Megabit 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxwaynaha DDS Mudane. Mustafe Muxummed Cumar oo kormeeray hab-sami-u-shaqaynta Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dalka, gaar ahaan xarunta ay ku leedahay magaalada Jig-jiga, ayaa ka dhagaystay tabashada ay bulshada u soo adeeg doonta xaruntani qabaan iyo isbaddalka ku yimid xarunta, kaddib dadaallo ay samaysay xukuumaddu.

Qaar ka mid ah bulshada u soo adeeg doontay xaruntani ayaa ka mahadiyay sida ay xukuumaddu marwalba dabo-galka ugu tahay goobaha adeeg-bixinta, gaar ahaan xarunta socdaalka “imagration-ka” Jig-jiga oo ay sheegeen in isbaddal aad u ballaadhan uu ka muuqdo, walise ay jiraan cabashooyin badan oo ay ka qabaan dhinaca adeeg-bixinta xarunta.

Madaxwaynaha DDS Mudane. Mustafe Muxummed Cumar ayaa yidhi:
“Waxaannu ku guulaysannay in aannu xarunta keenno qof soomaali ah oo ay is fahmayaan bulshadu, wixii kale ee tabashooyin ah ee ay qabaan bulshaduna waannu saxaynnaa, laakiin waxaa loo baahanyahay in samir iyo dulqaad badan la yeesho.”

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan qaabkii xarun kale oo lagu qaato baasi-boorka looga hirgalin lahaa magaalada Godey, taasi oo u adeegi karta afar (4) gobol oo u xiga magaalada, si wax looga qabto arrimaha dhinaca cidhiidhiga ah ee ka jira goobta.”

Madaxwaynaha ayaa ugu dambayn sheegay in loo baahanyahay in adeeg-bixinta loo horumariyo hooyooyinka uurka leh, dadka xanuunsan iyo waayeelka, ugu dambaynna ballan qaaday in isbaddal muuqda lagu samayn doono xarunta si bulshadu ay u helaan adeeg-bixin ay ku qancaan.

Maxamed Shariif oo ah maareeyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka, gaar ahaan xarunteeda Jig-jiga ayaa sheegay in shaqaalahu ku yaryihiin, xukuumaddana ka codsaday in ay kala shaqayso sidii xarunta loogu heli lahaa shaqaale ku filan, waxa uuna xusay in horey ay ugu adeegi jireen 40-qof halka ay hadda u adeegaan 80 ilaa 100 qof maalintii.

Waxaana wax ka badalnay ayuu yidhi arimihii musuqa ee horey loogu sheegi jiray xarunta, walina waanu dadaalaynaa.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.