Fana: At a Speed of Life!

Madaxwaynaha Nigeria Muxamadu Buhari, oo xaalad caafimaad ugu ambabaxaya dalka Ingiriiska

Addis Ababa,Mar 30, 2021 (Megabit 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Nigeria, Muxamadu Buhari, ayaa maanta waxa uu u safrayaa magaalada London halkaas oo uu xafiiskiisa sheegay inuu u tagayo baadhitaankii caafimaad ee caadiga ahaa.

Afhayeenka madaxweyne Buhari Femi Adesina ayaa warbixinta ku sheegay in madaxawenaha uu dalka dib ugu soo laaban doono toddobdadka labaad ee bisha apriil.

Hase yeeshee ma uusan sheegin oo faahfaahin kama uusan bixin xanuunka madaxwyenaha haya iyo waxa uu yahay .

Ka hor inta uusan duulin madaxweynaha waxaa uu la kulmi doonaa saraakiisha ugu sarreysa ciidamada ammaanka sida uu sheegay , Femi Adesina.

Tan iyo markii uu madaxweynaha Nigeria noqday lix sano ka hor Buhari waxa uu safaro caafimaad oo dhawr ah ku tagay UK.

Mid ka mid ah safaradasi oo uu sannadkii 2017-kii uu ku tagay ayaa waxa ku maqnaa muddo 100 maalmood ka badan.

Sannad ka dib oo oo ku beegnayd 2018-kii waxaa uu dib ugu laabtay London isagoo 4 maalmood ku maqnaa.

Waxaa jiray walaac isa soo tarayay oo la xidhiidha caafimaadka madaxweynaha oo marar badan xanuun loogu qaaday dalka UK .

Dhanka kale safarkan madaxwyenaha ayaa ku soo aadaya iyadoo la qorsheeynayay dibadbaxyo ay dhigayaan dhakhaatiirta dalka oo looga soo horjeedo mushaar la’aan iyo dhibaatooyin kale oo ay ka cabanayaan.

Xaaladda caafimaad ee madaxwayne Buhari ayaa tan iyo intii uu xilka la wareegay waxay ahayd mid su’aalo badan la iska waydiiyo.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.