Fana: At a Speed of Life!

Madaxwayne Mustafe oo qaabilay Guuleed ibraahim iyo hooyo Deeqa

Addis Ababa,Mar 01, 2021 (Yekatit 22,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar ayaa qaabilay Guuleed ibraahim iyo hooyo Deeqa.

Xaflad kooban oo lagu qabtay gudaha Madaxtooyada DDS, ayaa waxa uu Madaxwayne Mustafe ku qaabilay  Guuleed ibraahim iyo hooyadii Deeqa.

Guuleed oo ah wiill 20 jir ah oo bajaajle ah ayaa maalintii sabtida ahayd ee aan soo dhaafnay qabsaday baraha bulshada, kadib markii uu lacag dhan 300,000 birr oo u dhiganta 6000$, dib ugu soo celiyay hooyo Soomaaliyeed oo lacagtaas bajaajtiisa kaga dhex tagtay, taas oo shacabka Deegaanka Soomaalida, iyo kuwo kale oo ku nool daafaha caalamkuba ay si wayn u bogaadiyeen.

Madaxwaynaha oo munaasabadaas ka hadlayay ayaa ugu horayn bogaadiyay ficilka haboon ee Guuleed, sidoo kale waxaa uu madaxwaynuhu u mahad celiyay Guuleed hooyadiis, hooyo Deeqa oo uu sheegay in ay akhlaaq suuban ku soo korisay, taas oo tusaale u noqonaysa ayuu yidhi waalidiinta kale

Gebogabadii ayuu madaxwaynuhu sheegay in ay DDS, ka caawinayso Guuleed
1.In uu sii wato waxbarashadiisa
2.In ay dawladu u samayn doonto shaqo-abuur

Guuleed Ibraahim, oo markii uu dugsiga sare dhameeyay helay jaamacad gaar ahaan qaybta injineeriyada, ayaa jaamacada sii wadan Kariwaayay duruufo xaga dhaqaalaha ah awgeed, guuleed ayaa ah wiil agoon ah oo 7 carruur ah la dhashay.
Srtv rasmipage

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.