Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumer oo maanta Daah-furay Golaha Midnimada iyo Nabadda.

Addis Ababa Jul 23,2020 (Hamle 16,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Golahan oo loo aasaasay midaynta iyo nabadaynta bulshada deegaanka soomaalida ayaa ka qayb qaadan doona hawla badan oo ay ugu horreyso amaanka, xalinta khilaafaadka gudaha iyo deegaanada iyo wadamada dariska ah.

Waana gole ka kooban dhamaan qaybaha bulshada sida culimo awdiinka, aqoon yahanka, odeyaasha dhaqanka, baarlamaanka deegaanka iyo haweenka.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo kulankan furay ayaa ka hadlay muhiimada golaha midnimada iyo nabada loogu baahday inuu yeesho deegaanka soomaalidu.

Kadib daah furka kulanka, xubnaha golahan cusub ee midnimada iyo nabada deegaanka ayaa ka dooday qaabka uu goluhu ushaqayn doono iyo hababka loo wajahayo barnaamijyada golaha loo aasaasayo.

Golahan nabada iyo midnimada oo ay ku dhan yihiin dhamaan hormuudka bulshada ayaa door ku yeelan doona sidii looga saari lahaa qoqobka iyo kala qaybsanaanta hoose ee ka jirta gudaha.

Danaha iyo aayaha mustaqbalka deegaanka oo lagu jiheeyo tub u horsèeda bulshada mustaqbal nololeed oo ku dhisan isjacayl iyo walaalnimo Iyo danta guud oo noqota mid qof waliba si lexejeclo leh u ilaaliyo xilna isaga saaro.

Xigasho:Xafiiska Warfaafinta DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.