Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida oo kulan wadatashi ah la qaatay haween-weynaha magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,Aug 30,2021 (Nehase 24,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxwynaha deegaanka Somaalidda ,mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa kulan wada tashi ah oo lagu xoojinayo doorka ay haweenku kuleeyihiin hawlaha sugidda amniga magaalda magaalada Jigjiga kula qaatay haween-weynaha.

Madaxweyne Mustafe oo hadal u jeediyay haween-weynihii kasoo qaybgalay kulankaasi,waxa uu sheegay in ka qaybalka bulshada lagu xaqiijin karo oo keliya nabad ka waarta DDS.

Kulankaas oo ka qabsoomay hoolka shirarka magaalada Jigjiga ee qaryaaan dhoodaan ayaa waxa kasoo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka xafiiska madaxweynaha DDS,Mudane Xasan Maxamed,Wasiirka arrimaha haweenka iyo carruurta Marwo Saynab Xaaji iyo masuuliyiin kale oo heer degaana iyo marti sharaf kale oo ka mid ah haweenka ku dhaqan 20-ka xaafadood ee magaalada Jigjiga.

kasoo qaybgalayaashii kulankaasi wadashiga ayaa dhankooda sheegay in si kasta u garab istaagi doonaan Halyeeyada Ciidamada Liyuu-Booliiska iyo ciidamada difaaca qaranka ee dagaalka kula jira kooxda argagixisada ah ee TPLF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.