Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Biden oo si rasmi ah ugu dhawaaqay kalabixidda ciidamadiisa ee Afganistan

Addis Ababa,Apr 15, 2021 (Miyasiya 07,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dhammaan ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan uu ka soo saari doono 11-ka bisha September ee sanadkan, waxaana hadal uu xalay jeediyay uu ku sheegay in la joogo xilligii la soo afjari lahaa dagaalka mudda dheer dalkaas.

Maalintan ayaa ku beegan sanad-guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday xarunta gacansiga adduunka iyo wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon.

“Weerarkii naxdinta lahaa ee dhacay 20-sano kahor daraadiis ayaan Afghanistan u aadnay, taasina ma sharraxi karto inaan halkaas ku sii nagaanno sanadka 2021” ayuu yidhi Madaxweyne Biden oo ka soo hadlayay qolka Treaty Room ee Aqalka Cad oo ah isla qolkii uu madaxweynihii xilligaas George Bush uu kaga dhawaaqay duqeymaha xagga cirka ah ee lagu qaaday Afghanistan 7-da bishii Oktoober sanadkii 2001.

“Ciidamada Mareykanka qeyb kama noqon karaan gor-gortanka u dhexeeya dhinacyada ku dagaallamaya dal kale, mana sii wadi karno ballaarinta joogitaankenna milatari ee Afghanistan” ayuu raaciyay Madaxweyne Biden.

Biden wuxuu sheegay inuu yahay madaxweynihii afaraad oo si dhow u eegay howlgalka iyo joogitaanka Ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, wuxuuna xaqiijiyay in masuuliyadda ka bixitaanka Afghnistan aanu u gubdin doonin madaxweyne shanaad.

Waxa uu sheegay Biden in Mareykanku sii wadi doono taageerada diblomaasiyaseed iyo tan bini’aadanimo ee uu siiyo Afghanistan, isagoo ugu baaqay waddamada gobolka gaar ahaan Pakistan, China, India iyo Turkey inay gacan siiyaan Afghanistan.

Madaxweynaha Afghanistan Asharaf Ghani ayaa sheegay inuu la hadlay Biden saacado kahor inta aanu si rasmi ah ugu dhawaaqin go’aanka dowladdiisa, wuxuuna sheegay inay ixtiraamayaan go’aanka Mareykanka, ayna la shaqeyn doonaan saaxiibada Mareykanka inta lagu jiro xilliga kala-guurka.

“Ciidamada amniga iyo difaaca Afghanistan awood buuxda ayay u leeyihiin inay difaacaan dalkooda iyo dadkooda” ayuu bartiisa Twitterka ku soo qoray Madaxweyne Ghani.

Khudbaddiisa kaddib, Biden wuxuu booqday qeybta 60-aad ee Qabuuraha Arlington, halkaas oo ay ku aasanyihiin ciidamadii Mareykanka ee ku dhingtay dagaallaadii ugu dambeeyay.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.