Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Itoobiya u magacawday Soomaaliya

Addis Ababa,May 03, 2021 (Miyasiya 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa caddeeyay sida ay uga go’antahay xoojinta xidhiidka iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Itoobiya.

Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jeediyay Villa Soomaaliya,mar uu waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomayay Danjiraha cusub ee Itoobiya u magacowday Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa munaasabadaasi ka caddeeyay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa xoojinta iskaashiga gobolka Geeska Afrika iyo xidhiidhka qotada dheer ee iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Itoobiya.

Safiirka cusub ee la magacaabay iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa yeeshay kulan isxog-warraysi oo laba geesood ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah,kuna saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha guud ee labada dal.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.