Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Mustafe oo gaadhay magaalada Diri-dhabe

Addis Ababa,Jan 29, 2021 (Dir 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxwayne mustafe oo shalay Magaalada bahardhaar kaga qayb galay, shir heer qaran ah ayaa magaalada diri-dhabe kasoo dagay waxaana soo dhaweeyay masuuliyiinta ismaamulka Diri-dhabe.

Madaxwaynaha DDS,mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa galinka danbe ee maanta xadhiga ka jari doona Astaanka gawaadhida laga raaco oo laga dhisay magaalada Shiniile ee xarunta gobolk Sitti.

Astaankan oo ay isticmaali doonaan gaadiidka u kala goosha degmooyinka gobolka Sitti, Shiniile iyo Jig-jiga, Shiniile iyo Jabuuti.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale kormeer ku samayn doona mashaariicaha horumarineed ee ka socda Magaalada Shiniile.

SRTV Rasmi Page.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.