Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Sahle-work oo safar shaqo ku tagtay Tanzaaniya

Addis Ababa,Jan 25, 2021 (Dir 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha JDFI Sahle-Work Zewde ayaa safar shaqo oo rasmi ah ku tagtay  dalka Tanzaaniya.

Markii ay gaadheen Tanzaaniya waxa Madaxweynaha iyo wafdigii la socday qaabilay Madaxweynaha dalka Tanzaaniyaa John Magufuli.

Labada Madaxweyne ayaa waxa ay is dhaafsadeen hadiyado.

Madaxweyne Sahle-Work ayaa la filayaa muddada ay ku guda jirto safarkeeeda shaqo in ay madaxweyne Magufuli kala hadasho qaababka loo dhisi karo guddiga Wabiga Niilka.

Tanzaaniya ayaa ka mid ah waddamada safka hore kaga jira saxiixa heshiiska qaab-dhismeedka iskaaashi (CFA), kaasoo qeexaya mabaadii’da, xuquuqda iyo waajibaadka maamul iskaashi iyo horumarinta ilaha biyaha ee webiga Niilka.

Wadamada kale ee heshiiska saxiixay waxa ka mid ah dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda, Rwanda iyo Burundi. Dowladda Itoobiya waxa ay heshiiskan Qaab-dhismeedka iskaaashi (CFA) ay qalinka ku duugtay sanadkii 2013-kii.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.