Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynihii dalka Chad oo lagu dilay dagaal

Addis Ababa,Apr 20, 2021 (Miyasiya 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynahii dhowaan dib loo doortay ee dalka Chad Idriss Deby Itno, oo xukunka hayey in ka badan 30 sano ayaa maanta u geeriyooday dhaawac soo gaadhay isaga oo ka qeyb qaadanaya dagaal ay dowladda kula jirto mucaaradka oo ka socda waqooyiga dalkaas, waxaa sidaas sheegay ciidamada.

Deby, “ayaa hadda neefsaday neeftii ugu dambeysay ee difaaca madax-banaanida dalka, isaga oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka,” waxaa sidaas war-saxaafadeed laga aqriyey taleefishinka dowladda ku yidhi afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna.

Deby ayaa Isniintii sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya “argagixisada,” waxaana lagu dhaawacay booqashadaas.

Mucaaradka Chad oo fadhiggoodu yahay jiidda waqooyi ee Libya ayaa maalinkii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km kusoo siqeen koonfurta dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.