Fana: At a Speed of Life!

Magaalada Addis Ababa oo si diirran loogu soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Gaarka ah DDS oo ka qayb qaadanaya hawl-galka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee TPLF

Addis Ababa,July 21, 2021 (Hamle 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Magaaladan Addis Ababa waxa si diirran loogu soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Gaarka ah DDS ,kuwaas oo ka qayb qaadanaya hawl-galka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee TPLF.

Ciidankan oo uu hoggaaminayey taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS, Jeneraal Maxammed Axmed Maxammuud oo ku wajahan hawlgallada lagaga hortagayo kooxda qaran-dumiska ah ee TPLF ayaa waxaa magaaladan Addis Ababa ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu hoggaaminayey Komishinneer-ku-xigeenka booliska Fadaraalka, Jeneraal Malaaku Fante.

Komishinneer-ku-xigeenka booliska Federaalka ayaana uga mahad-celiyay Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS ka-soo-jawaabidda baaqii qaran iyo ka-qeyb-galka hawl-galka qaran.

Dhanka kale, saraakiisha Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS ayaa sheegay in ay ka qeyb-qaadanayaan hawl-galka lagaga hortagayo aragagixisada TPLF.

Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS ayaa Deegaanka Soomaalida uga soo baxay ka-jawaabidda baaqii qaran ee ku aaddanaa in dhammaan ciidammada dawlad-deegaannadu ka qeyb-galaan hawl-galka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee TPLF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.