Fana: At a Speed of Life!

Magaalada Bishoftu oo laga hirgeliyay Xarunta Sheybaadhka Cilmi Baadhista ee geedaha

Ababa Oct 07, 2020 (Maskerem 27,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Xarunta shaybaadhka cilmi baadhista ee geedaha (dhirta) ayaa maanta laga daah-furay magaalada Bishoftu ee deegaanka Oromada waxaana ku baxday dhismaha xaruntan qadar lacageed oo gaadhaya 28 milyan oo Birr .

Wasiirka Beeraha JDFI mudane Cumar Xuseen waxa uu sheegay in xaruntan looga baahan yahay inay taageerto howlaha cilmi baadhista ee geedaha( dalaga) isla markaana ay keento natiijooyin la taaban karo oo lagu hagaajinayo nolosha beeraleyda.

Dhismaha xaruntan oo ay maalgelinaysay Wakaaladda dhalangediska Beeraha ee Itoobiya (ATA), ayaa dhismaha xaruntu waxa ay qaadatay muddo saddex sano ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.