Fana: At a Speed of Life!

Magaalada Diridhabe oo laga dhagax-dhigey warshad ay ku baxayso 350 Milyan oo doolar oo soo saari doonta sibidhka iyo biraha

Addis Ababa,Apr 18, 2021 (Miyasiya 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dhagax-dhigga warshaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay af-hayeenka Golaha Fedareeshinka Mudane Aadan Faarax, madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ku-xigeenkiisa Mudane Ibraahim cusmaan, wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha ee dalka Malaaku Alabal iyo madaxda Is-maamulka Diridhabe.

Aagga warshadaha ayaa waxaa maal-gelinaya shirkadaha East Africa Holding iyo West International Holding oo Shiinaha laga leeyahay.

Warshaddani waxay soo saari doontaa maalintii 5,000 oo tan oo sibidh ah iyo 300,000 oo tan oo biro ah sannadkiiba.

Waxaana laga dhisayaa agagaarka sabada warshadaha Diridhabe, waxayna ku fadhidaa dhul cabbirkiisu dhan yahay 103 hektar. Waxaana shaqo ka heli doona 10,000 kun qof.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.