Fana: At a Speed of Life!

Magaalada Godey oo ay ka billaabantay diwaan-galinta iyo bixinta kaadhka cod-bixiyaha

Addis Ababa,Apr 17, 2021 (Miyasiya 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxaa magaalada Godey si rasmi ah uga billaabmey diwaan-galinta iyo bixinta kaadhka cod-bixiyaha.

Waxaa magaalada Godey si habsami leh uga socda diwaan-galinta iyo bixinta kaarka cod-bixiyayaasha wareegga 6aad ee doorashada sannadkan ka dhaceysa guud ahaan dalka Itoobiya.

Waxaana guud ahaan goobaha diwaan-galinta lagu diyaariyey agabka kala duwan ee diwaan-galinta, sida ay sheegeen xubnaha guddiga doorashada ee fulinayey diwaan-galinta, iyada oo cid walba oo buuxinaysa shuruudahana la diwaan-galinayo, islamarkaana la siinayo kaarka cod-bixiyaha.

Waxayna qaar ka mid ah shacabka is diwaan-galiyey ee qaatay kaarka cod-bixinta oo SRTV la hadley ay sheegeen, maadaama qofku in la doorto amaba isagu wax doorto ay tahay xuquuq dastuurku siiyey, inay ka faa’iideysanayaan xuquuqdaasi.

Waxayna shacabka kalena ugu baqeen inay qataan kaarka cod-bixinta.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.