Fana: At a Speed of Life!

Magaalada Jigjiga oo lagu qabtay shir lagaga wada xaajoonayo adkaynta nabadgelyada deegaannada Soomaalida iyo Oromada

Addis Ababa,May 04, 2021 (Miyasiya 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa magaalada Jig-jiga lagu qabtay shir lagaga wada xaajoonayo adkaynta nabadgelyada deegaannada Soomaalida iyo Oromada.

Isbaddalkii kaddib, kulammada noocan ah ee dhexmaraya deegaannada Soomaalida iyo Oromada ayaa imaanaya xilli isbaddalkii ka hor ay dhexmartay shacabka labada dawlad deegaan ee Soomaalida iyo Oromada colaado saameeyey, bulshooyin badanna ay ku barakeceen, boqollaal kalena ku naf waayeen

Haddaba, fadhiyadan ayaa ah kuwo la rabo in lagu jaan-gooyo colaadihii dhexmaray labada shacab, colaadahaasi oo ahaa kuwo gacan-ku-rimis ah.

Fadhigan oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday labada dawlad deegaanka ee Soomaalida iyo Oromada ayaa ujeedkiisu ahaa adkaynta iyo xasilinta nabadgelyada shacabka dega xudduudaha labada dawlad deegaan ee gobollada Siti iyo Faafan ee Deegaanka Soomaalida iyo gobollada galbeedka iyo bariga Hararge ee Deegaanka Oromada.

Waxaana ka soo qeyb-galay hoggaannada nabadgelyada deegaannada Soomaalida iyo Oromada, guddoomiyeyaasha gobollada Siti, Faafan ee Deegaanka Soomaalida, guddoomiyeyaasha gobollada bariga iyo galbeedka Hararge ee Deegaanka Oromada, guddoomiyeyaasha degmooyinka deriska ah qaar ka mid ah ciidanka xoogga gaarka ah ee labada dawlad deegaan iyo marti sharaf kale.

Kulankan oo inta uu socday si adag wax la iskaga waydiinayey dhibaatooyinka ka soo cusbnoonaan kara shacabka labada dhinac iyo xalkooda ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin:

1. In shaqsiyaadka fal-dambiyeedka geysta sharciga la horkeeno labada dhinacba.

2. In la qabto kulammo deg-deg ah oo looga hadlayo xaaladaha taagan.

3. In shacabka labada dhinacba shirar joogta ah lala yeesho, lana dhageysto tabashooyinkooda.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.