Fana: At a Speed of Life!

Maktabadda Ummadda oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 60 Milyan oo Birr oo laga dhagax-dhigay magaalada Jigjiga.

Addis Ababa,Apr 26, 2021 (Miyasiya 18,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Hirgalinta maktabaddan waxaa iska kaashanaya xukuumadda iyo shacabka, iyadoo wajigii 1-aad ee lacagta lagu fulinayo mashruucani oo dhan 15 Milyan oo Birr ay xukuumaddu bixisay 10 Milyan oo ka mid ah, halka 5-ta Milyan ee kalena uu bixiyay Ururka Horumarinta Soomaalida oo gacanta ku haya fullinta maktabaddani.

Xafladda dhagax-dhigga dhismaha Maktabadda Umadda ee Jig-jiga ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar, masuuliyiin heer deegaan ah, kuwa Maamulka Magaalada Jig-jiga iyo marti-sharaf kale.

Maktabaddani oo ah mid casriy ah, noqo’naysana tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo laga hirgaliyo Deegaanka ayaa waxaa ku baxaysa adduun lacageed oo dhan 60 Milyan oo Birr.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar, oo xafladdani ka hadley ayaa u mahad celiyay dhallinyarada dadaalka badan galiyey in la hirgaliyo maktabaddani oo uu ka mid yahay mubaarek yusuf.

Madaxwaynaha ayaa maktabaddani ku tilmaamay; mid dhisi doonta aqoonta jiika soo-socda.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale isbaddal wanaagsan oo u baahan in la sii xoojiyo ku tilmaamay; in maanta magacaabista shaqooyinka dawladdu ay ku xidhan yihiin heerka aqoonta uu soo bartay shaqsigu, balse aysan ahayn mid reernimo iyo iska shaqaalaysii oo kaliya ah “sidii hadda ka horba dhici jirtay”.

Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida, Mudane Qabdiid Cabdi ayaa sidoo kale sheegay ahmiyadda ballaadhan ee ay u leedahay makatabaddani qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan dhallinyarada. “waxay noqon doontaa goob lagu yagleelo dhaqanka wax-akhriska” ayuu yidhi maareeyuhu.

Maktabaddan oo ka kooban nooca dhismaha ee G+2 ayaa ku fadhida dhul dhan 2,600 KM² halka dhismaha oo kaliya uu ku fadhiyo 1,200 KM².Wuxuuna ka kooban yahay; 2 hool, qeyb ganacsi, goobo dhallinyaradu isugu yimaadaan, maqaaxi Iwm.

Jig-jiga oo ah caasimadda Deegaanka Soomaalida ayaan horaan u lahayn wax maktabad ummadeed ah, marka laga tago tan maanta la dhagax-dhigay oo ay si wadajir ah ooga qeyb-qaadan doonaan dawladda, qeybaha kala duwan ee shacabka, qurba-joogta iyo ganacsatada. waxaana loo samayn doonaa akoonti ay ku soo hagaajiyaan cid walba oo rabta inay ka qeyb-qaadato.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.