Fana: At a Speed of Life!

Maraykanka oo sheegay in uu sii wadayo iskaashiga uu la leeyahay waddamada Geeska Afrika si loola dagaalamo Argagixisada

Addis Ababa Aug 6, 2020 (Hamle 30,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Taliyaha Taliska Hawlgalada Gaarka ah ee Mareykanka Gaashaanle Sare Dagvin R.M. Anderson ayaa sheegay in Mareykanku sii wadayo iskaashiga uu la leeyahay waddamada geeska Afrika si loo yareeyo xagjirnimada, loolana dagaallamo ururada argagixisada.

Sarreeye Guud Dagvin R.M. Anderson Oo Shir jaraa’id u qabtay warbaahinta, shirkaas oo ku saabsanaa dadaalada Mareykanka ee lagula dagaallamayo argagixisanimada Afrika, ayaa uu ku xusay in Mareykanku uu xoojinayo dadaallada ku aaddan in nabad iyo barwaaqo laga dhaliyo guud ahaan qaaradda Afrika.

“Dhallinyarda waxa ku kaydsan tamar; tamartaasna waxa loo baahan yahay in la istcimaalo,- waxaad ubaahantahay inaad siiso waxbarasho iyo fursad ”, ayuu yidhi sarreeye Dagvin R.M. Anderson.

“Afrika waa meel aad hodan u ah, waxaana ay fursado maalgashi caalami ah u tahay maalgashadayaasha, sidaa darteed sideen uga faa’idaysan karnaa faa iidooyinkaas – taasi waa mid si wada jir ah waxtar ugu leh innaga oo horay ugu soconayna bulsho caalami ahaan”, ayuu yidhi.

Mareykanku waxa uu sii wadayaa wadashaqeynta iyo iskaashiga uu la leeyahay hawlgalka midowga Afrika ee soomaaliya (AMISOM) iyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

“Dhamaan saxiibada Mareykanka ee dalalk Itoobiya, Kenya, Ugaandha si buuxda ayey uga wada shaqeynayeen, hawlgalka ciidamada ee AMISOM ee ay qaybta ka yihiin, waxayna ku hawlanaayeen la-dagaallanka xag-jirnimada iyo la-hawlgalida ciidamada Soomaaliya”, ayuu hoosta ka xariiqay.

Mareykanku waxa uu sii wadayaa hawlgalada ka dhanka ah xagjiriinta, waxaana ka go’an inuu meesha ka saaro khatarta ka jirta gobolka, ayuu yidhi jeneraalku.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.