Fana: At a Speed of Life!

Maraykanka oo wada qorshe uu agab milateri oo badan kaga iibanayo Taiwan

Ababa Oct 14, 2020 (Tiqimti 04,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa horey ugu sii soconaya qorshe uu agab milateri  oo badan islamarkaana casriya kaga iibinayo jamhuuriyadda Taiwan.

Saraakiil ka tirsan  Congress-ka  ayaa Talaadadii sheegay in maamulka Trump  qorsheynayo  in xukuumadda Taipei uu ka iibiyo diyaaradaha aan duuliyahu wadin ee loo yaqaan MQ-9 iyo nidaamka difaaca gantaalaha ee xeebta, sida ay ilo wareedyo xog ogaal u ah arritan  u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.

Shiinaha iyo jamhuuriyadda Taiwan ayaa muddooyinkii u dambeeyay wax ka dhex aloosnayd xiisad laga cabsi qabay in dagaal toos ahi dhex maro labada dal .

Arrintan ayaa kuso beegmaysa xilli ay dhaw jeer shiinaha diyaaradiisa dagaalku kuso xadgudbeen hawada jamhuuriyada Taiwan ee shiinuhu uu sheegto in ka tirsan tahay dhulweynihiisa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.