Fana: At a Speed of Life!

Mareyakanka oo weerar cirka ah ka fuliyay Soomaaliya

Addis Ababa,Jan 14, 2021 (Dir 06,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa warsaxaafeed uusoo saaray ku sheegay in iyadoo lala shaqeynayo dowladda federalka ee Soomaaliya ay weerar cirka oo ka dhan ah Alshabaab ay 13kii Janaayo ee 2021ka ka fuliyeen deegaanka Buulo Fulaay ee Soomaaliya.

Qiimeyn hor dhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaysa in weerarka lagu dilay howlwadeen ka tirsan Alshabaab laguna burburiyay xarun ay halkaasi ku lahaayeen.

Warkan kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin wax rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay howlgalkaasi.

Weerarka Buula Fulaay iyo weerarradii kale ee dhowaanahanba waxay muujinayaan go’aankeenna aan ku burburinayo awoodda Alshabaab ay halista ku galin karaan Soomaaliya iyo dariskeeda ayuu yidhi Maj. Gen. Dagvin Anderson oo ka tirsan ciidanka cirka ee Mareykanka islamarkaana ah ah taliyaha howgalka gaarka ee taliska Africa. Waxuu intaasi ku daray in iyaga iyo saaxiibadooda ay qorsheeyeen inaysan Alshabaab u reebin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan.

Warsaxaadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka wadajirka ah ee uu taageerayo taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika iyo dadaallada caalamiga ah kor loogu qaadiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Rabshadaha ururrada xagjiriinta ee sida Alshabaab oo kale ayaa muddo dheer halis ku ah Mareyaknka iyo danihahiisa gobolka.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.