Fana: At a Speed of Life!

Mareykanka oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan mudda kordhinta uu samaystay Madaxweynaha Soomaaliya

Addis Ababa,Apr 14, 2021 (Miyasiya 06,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dowladda Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay go’aankii dhawaan ay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay mudda kordhinta ugu sameeyeen madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay si aad ah uga xamaadeen qaraarkii dowladda fedaraalka ah ee Soomalaiya ee lagu ansixiyay muddo 2 sano ah oo loogu kordhiyay muddo xileed madaxwaynaha iyo Baarlamaanka.

“Waxaan horey ugu celcelinay in ay muhiim u tahay nabadda, xasiloonida, baraaraha iyo dowladnimada Soomaaliya in dowlada fedaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay gaaraan heshiis ku aadan sidii horey loogu sii wadi lahaa geedi socodka doorashada,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa uu Mareykanka ku celiyay in marnaba aysan taageeri doonin muddo korarsi , doorashooyiin is barbar socda amaba geedi socod hal dhinac ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in hindisa shirciyeeda muddo kordhinta oo la dhaqangaliyo ay caqabad halis ah ku tahay wadaxaajoodyada ayna minjaxaabinayso nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dhanka kale wxaa lagu sheegay in Mareykanka ay dib u qiimeyn ku sameyn doonaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda fedaraalka ee Soomaaliya .

“Waxaan dib u qiimeyn ku sameyn doonaa xiriirka laba geesoodka ah ee aan la leenahay dowladda federaalka taasi oo ay ka mid tahay la macaamilka dublamaasiyadeed iyo caawinta,” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku hanjabay in ay adeegsan doonaan dhammaan wadiiqooyiinka ay ka mdi tahay cunaqabateyn iyo xannibaado dhanka visaha ama dal-kugalka ah oo la soo rogo.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda fedaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu laabtaan wadahadalada ayna xal ka gaaraan hananka doorashada.

Bayaanka ayaa waxaa ugu dambeyntii dhinacyada kala duwan uga baaqay in ay is xakameeyaan ayna ka fogaadaan ficilo hal dhinac ah oo sii hurin kara xiisadda, islamarkana minjaxaabin kara geedi socodka dimuqraadiyada iyo hay’adaha Soomaaliya.

Hadalka dowladda Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu xalay madaxwayne Farmaajo saxiixay qaraarkii mudda kordhinta ee ay baarlamaanka ansixiyeen.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.