Fana: At a Speed of Life!

Mareykanka oo ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasada soomaaliya ”hirgelinta heshiiskii kasoo baxay shirkii Baydhabo”

Addis Ababa,Feb 23, 2021 (Yekatit 16,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Richard Mills, ayaa sheegay in soo jeedinta guddigii ka koobnaa 14-ka xubnood ay si cad u qeexeyso habka ay tahay in loo xalliyo khilaafka doorashada, waxaana dhinacyada loogu baaqay inay ka shaqeeyaan hirgelintiisa.

“Talooyinka kasoo baxay guddigii farsamo ee Baydhabo waxay bixinayaan qaab-dhismeed cad oo lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraal lagu daabacay bogga Twitterka ee Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Sii hayaha ergeyga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midobay, Richard Mills ayaa sidoo kale sheegay in doorasho aan loo dhameyn ama mid fowda ah oo ay kamid tahay dowlad kumeel gaar ah ay sii siyaadineyso oo keliya culeyska jira, dib u dhacna ku tahay Soomaaliya.

Dhanka kale wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa khudbad u ka jeediyay ay Isniintii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya waxaa uu kaga hadlay xiisadda sii adkaaneysa ee ka taagan dalka, wuxuuna sheegay waxyaabaha dalka ka dhacaya ay khatar ku yihiin dib u dhiska dowladnimada, haddii aanan lagu xallinin wadahadahal.

“Ismari waaga ka dhex taagan hogaamiyeyaasha Soomaalida wuxuu hor istaagay hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii Sibtembar, hannaakas waxaa ansixiyay labada aqal ee baarlamaanka, waxaan taageeray dhinacyada siyaasadda balse hirgelintiisa ayay caqabad ka taagan tahay,” ayuu Swan u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.