Fana: At a Speed of Life!

Marxuum Cabdi Caziiz Cusman Nuur(Budiste yare) oo ka mid ahaa Bahda spoortiga Deegaanka Soomaalida oo Jigjiga lagu aasay

Addis Ababa,Mar 07, 2021 (Yekatit 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumer iyo Bahda sportiga Deegaanka Ayaa Tacsi Udiray Ehelka iyo Umada Soomaaliyeed Ee uu kabaxay marxuum Cabdi Caziiz Cusman Nuur(Budiste yare) Oo Saaka lagu Aasay magaalada Jig-jiga.

Aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qayb galay bulsho tiro badan,bahda ciyaaraha Degaanka iyo masuuliyiin Heer Deegaana.

Waxayna tacsi udireen Ehelka iyo bahda ciyaaraha Degaanka Ee uu marxuumku kabaxay iyagoona alle uga baryay marxuumka in uu janadiifardowsa kawaraabiyo.

marxuum Cabdi Caziiz Cusman Nuur(Budiste yare) ayaa kudhashay Diri-dhabe taariikhdu markay1944 GC.

wuxuu waxbarashadiis heerka jaamacadeed kusoo qaatay jaamacadkii Umada Soomaaliyeed isagoo kutakhasusay cilmiga Physical health education.

marxuumka ayaa wuxuu kasoo mid noqday xulka Qaranka kubada cagta Soomaaliya

Sidoo kalena wuxuu kamid ahaa Aas-aasayaashii xidhiidhka kubada cagta DDS isla markaana kasoo noqday Gudoomiye.

xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS ayuu kasoo shaqeeyay 25 sano kana ahaa khabiir ilaa Agaasinka horumarinta Ciyaaraha ilaa hadana uu kushaqaynayay.

marxuumka alle ha Unaxariistee ayaa 2dii sano ee udanbaysay wuxuu latacaalayay xanuunka macaanka oo indho tiray ugu danbayna uu ugeeriyooday.

marxuuka ayaa ifka kaga tagay 11caruur ah, 7 wiil 4 gabdhood.

Hay’adda Warbaahinta FBC-na waxa ay tacsi teeraanyo leh u diraysaa Ehelkii iyo qaraabadii, iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku (Innaa Lilaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun!!!!).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.