Fana: At a Speed of Life!

Masar: ”wax saamayn ah naguma yeelanayo buuxinta labaad ee Biyo-xidheenku”

Addis Ababa,May 20, 2021 (Ginbot 13,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Arimaha Dibada ee Masar Sameh Shukri ayaa sheegay in buuxinta labaad ee biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya aanay wax saamayn taban ah ku yeelan doonin iyaga, madaama Masar wali haysato Biyo-xidheenka weyn ee Aswan oo si ballaadhan ay ugu tiirsantahay.

“Waxaan kalsooni ku qabnaa in buuxinta labaad ee biyo-xidheenku aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin danaha Masar,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibada oo wareysi siinayay TV-ga Nashat al-Dehi.

Shukri ayaa maalinnimadii talaadada ee shalay sheegay in Masar ay la tacaali karto buuxinta labaad ee biyo-xidheenka iyadoo loo marayo hanaan adag oo lagu maaraynayo kheyraadka biyaha.

Dhaqdhaqaaqyada caalamiga ah waxa ay muujinayaan muhiimadda arrinta ,waxayna u saamaxayaan madaxweynaha Midowga Afrika in warbixin laga siiyo aragtida Masar, taas oo ay ku dheehantahay  furfurnaan, dhexdhexaad, iyo muhiimada ay leedahay in heshiis lagaga gaadho dhibaatada.

Hadalkan kasoo yeedhay wasiirka arrimaha dibada masar ayaa kusoo beegmaya xilli ay Itoobiya shaacisay in dhowaan ay dhammaystiri doonto buuxinta labaad ee biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.