Fana: At a Speed of Life!

masuuliyiin ay hoggaaminaysay Maayar Addis Ababa oo gaadhay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Jan 14,2022 (Dir 06,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Masuuliyiin ay hoggaaminaysay Maayorka caasimadda Addisababa, Marwo Adanech Ababe iyo golaheeda fulinta ayaa gaadhay magaalada Jig-jiga, waxaana garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ku qaabillay masuuliyiin uu hoggaaminayay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxwayne-ku-xigenka, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Enj. Maxammed Shaalle Isaaq, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, Af’hayeenka golaha baarlamaanka, marwo Ayaan Cabdi iyo masuuliyiin kale oo heer Deegaan ah.

Ismaamulka Magaalada Addis-ababa ayaa qayb ka ah inay gacan ka gaystaan dadaalada ay xukuumadu ugu jirto sidii bulshada ay abaaruhu saameeyeen gacanta ugu haboon looga gaysan lahaa.

Waxaa isa soo taraya hawlaha bini aadanimo ka qayb-qaadashadooda iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay maamulka magaalada Diridhaba ay dadka walaalahooda ee abaartu saamaysay 10 milyan oo birr soo gaadhsiiyeen

Xigasho: Xafiiska Warfaafinta DDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.