Fana: At a Speed of Life!

Maxamed Bin Salman oo Mareykanka laga Dacweeyay

Addis Ababa Oct 21, 2020 (Tiqimti 11,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Haweeneeydi uu ka dhintay saxafigi la dilay Jamal Khashoggi, iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu isaga aas-aasay ayaa Talaadadi shalay maxkamad ku taalla dalkaan Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Khadija Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Now ku eedeyneysa Maxamad Bin Salman, inuu amray dilka wariye Jamal Khashoqji, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo dilka loo heysto.

Safaaradda Sacudiga ayaan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman.

Amiir Maxamed oo loo soo gaabiyo MBS ayaa beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Khashoggi, labadi bishii October ee sannadki 2018-ki.

Kashoqji oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliili jiray siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post ee kasoo baxa caasimadda Mareykanka ee Washington D.C.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.