Fana: At a Speed of Life!

Maxay Ahaayeen Sababihii Cesc Fabregas Ku Kalifay Inuu Iskaga Tago Arsenal Sannadkii 2011?

xiddigii hore ee reer Spain ee Cesc Fabregas ayaa soo bandhigay dhawr sababood oo sannadkii 2011 ku kallifay inuu ka tago kooxdiisii hore ee Arsenal oo uu ku biiro Barcelona, waxaanu bannaanka keenay arrimo aanay cidina hore u ogeyn oo ku riixay inuu ka baxo Emirates.

Cesc Fabregas waxa uu ku biiray Barcelona sannadkii 2003 iyadoo ay da’diisu ahayd 15 jir, laakiin 303 ciyaarood oo uu u dheelay kaddib, waxa uu dib ugu laabtay kooxdii uu kulliyaddeeda kasoo baxay ee Barcelona ka hor intii aanu shandaddiisa u qaadanin Chelsea oo uu uga sii gudbay Monaco oo uu hadda u ciyaaro.

Kubbad-sameeyahan 32 jirka ah oo u warramay Arseblog, waxa uu sheegay in go’aankii uu kaga tegay Arsenal ay ku riixeen dhawr arrimood oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah ciyaartoy uu ku jiray Robin van Persie iyo Samier Nasri oo aanay xidhiidh wanaagsan lahayn, kuwaas oo habeenno badan hurdo la’aan ku riday.

“Waxaan ahaa kabtanka, marlwalbana waxay naftaydu dareemaysay culays. Waxay ahayd inaan kooxdan ku hoggaamiyo inay wax ku guuleysano. Wax kasta oo karaankayga ah waan siiyey, xataa mararka qaarkood markaan guriga tago ayaan ooyi jiray marka la naga badiyo.

“Waan dhibaatooday, habeenno badan ayaan hurdo la’aan la dhibaatooday. Marka la naga badiyo hal ciyaar, baska ayaan sidan oo kale kusoo ahaanayey, waan niyad-jabayay, kaddibna waxaad maqlaysaa ciyaartoyga qaarkood oo qoslaya, waxaanad ka fikiraysa inay doonayaan inay iska baxaan.

“Sannado ayay sidani socotay. Waxaanu ciyaaraynay kubbad qurux badan oo aanu dhinac ka raaxaysanaynay, laakiin aniga waxa naftayda saarnaa cadaadis hoggaaminta ah, inaan wax walba sameeyo, taas oo aan si ugu dareemay inaan haysto jacayl.

“Khaas ayaan, labadii ama saddexdiis annadood ee ugu dambeeyey, waxaan dareemay in Robin iyo Samir kaliya ay yihiin ciyaartooyo heerkayga ah maskax ahaan iyo farsamo ahaan.

“Wayxaabo badan ayaa maskaxdayda kusoo dhacay, waa inaan qirto inaan xoogaa faaruq ahaa, maskax ahaan ayaan u miirmay, jid ahaan, ruuxdayduna waxaynuna waxay ogaanaysa inaan wax walba siinayo, ogaanayo saxeexyo yar oo ay kooxdu samaynaysay laakiin aan dhicin.

“Aragtida dhaqamada noocan ah ee ka imanayay ciyaartoyda qaar ama waxyaabaha noocaas ah ayaa keenay inaan dareemo inay tahay inaan tijaabiyo wax kale. Haddii aanay sidaas ahaan lahayn, kamaan tageen Arsenal waqtigaas.”

source:sky sports

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.