Fana: At a Speed of Life!

Maxkamadda Darajada koowaad ee JDFI oo diiday codsi ka yimid Jawaar maxamed oo ahaa in laga bedelo garsoore

Addis Ababa Aug 12, 2020 (Nehaase 5,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Maxakamadda Darajada Koowaad ee JDFI ayaa diiday codsi ka yimid Jawaar Maxamed oo ahaa in la bedelo garsoore ku lug leh kiiskiisa maxkamada.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in cabashada Jawaar Maxamed iyo kuwa kale oo ay isku kiis dacwadeed yihiin aan caddaymo taageeraya oo la taaban karo loo haynin, islamarkaana ay diideen inay beddelaan garsoore maxkamadeed oo ku lug leh kiiskiisa iyo kuwa kale ee ay isku xukun yihiin-ba.

Jawaar Maxamed oo ay weheliyaan saddex iyo toban kale oo tuhmanayaal ah ayaa maanta la horkeenay maxkamadda marka laga reebo mid ka mid ah tuhumanayaasha oo lagu magacaabo Dawit Abdeta oo looga shakisan yahay inuu qabo cudurka coronavirus.

Waxa xusid mudan, in Jawaar Maxamed uu maxkamadda u gudbiyay codsi ah in la beddelo garsoore ku lug leh kiiskiisa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.