Fana: At a Speed of Life!

Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay xiisadda kasoo cusboonaatay Suudaan

Addis Ababa,Oct 25,2021 (Diqimti 15,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa waxa uu walaac xooggan kaga muujiyay xaaladda qalafsan ee hadda kasoo cusboonatay dalka Suudaan, ka dib markii xabsiga loo taxaabay Ra’iisal Wasaare Cabdallah Xamdook iyo masuuliyiin  kale oo rayid ah.

“Guddoomiyahu waxa uu ugu baaqayaa is haya in si degdeg ah dib loogu bilaabo wadatashiyadii u dhexeeyay dadka rayidka ah iyo milatariga iyada oo la raacayo hab-raacyada Siyaasadeed iyo ku dhaqanka Dastuurka.” ayuu warsaxaafadeedkiisa ku yidhi.

“Guddoomiyuhu wuxuu mar kale xaqiijinayaa in wada -hadal iyo is -afgarad ay yihiin waddada kaliya ee habboon ee lagu badbaadin karo dalka iyo kala -guurka dimuqraadiyadeed”ayuu sii raaciyay.

“Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ku baaqayaa in la sii daayo dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee la xidhay islamarkaana si adag loo ixtiraamo xuquuqda aadanaha”.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.