Fana: At a Speed of Life!

Muftiga guud ee arrimaha islaamka Itoobiya oo bulshada muslimIinta u diray baaq ku saabsan soo dhawaynta bisha ramadaan

Addis Ababa,Apr 08, 2021 (Megabit 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Muftiga guud ee Golaha Sare ee Arimaha Islaamka Itoobiya, Mufti,Xaaji Cumar Idiris ayaa kula dardaarmay bulshada Muslimiinta inay ku soomaan soonka bisha Ramadaan kalgacayl, dadnimo iyo isunaxariisasho.

Shir Jaraa’id oo uu qabtay maanta, Muftigu wuxuu ugu baaqay Muslimiinta in ay u naxariistaan dadka saboolka ah, iyo in midba midka kale uu ka warhayo inta lagu jiro soonka bisha Ramadaan.

Muftiga guud waxa kale kaloo ugu baaqay bulshada muslimiinta ah inay Alle baryaan oo ay ka fogaadaan wixii dambi ah inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Mufti ,Xaaji Cumar waxa kale oo uu baaqiisan ku cambaareeyay weerarada iyo barakaca ka jira gudaha dalka ,gaar ahaan ee qaybo badan dalka ka mid ah, wuxuuna ka codsaday dowlada inay ilaaliso nabada iyo amniga shacabka.

Muftiga wuxuu ugu baaqay culumaa’udiinta inay bulshada ku wacdiyaan kheyrka ,wuxuuna ugu baaqay dhammaan inay doorkooda ka qaataan wadajirka iyo nabada qaranka.

Bisha Ramadaan ayaa lagu wadaa in la soomo 12-ka ama 13-ka bishan APril ,ee  maalmaha Talaadada ama arbacada midkood iyadoo kuxidhan aragtida bisha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.