Fana: At a Speed of Life!

Muhaajiriin badan oo ku la’day badda Mediterranean-ka

Addis Ababa,May 06, 2021 (Miyasiya 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Sida ay sheegeen hey’adaha Qaramada Midoobay, ilaa iyo 500 oo qof ayaa sannadkaan oo kaliya ku dhintay isbiimeynta khatarta ah ee badda Mediterranean-ka, xilli ay isku dayayeen in ay gaadhaan Yurub. Tani waxay ka badantahay khasaarihi sannadki hore oo ahaa 150 qof oo ku garaqmay biyaha madda miditareeniyaanka.

Dad lagu qiyaasay 130 qof ayaa ku dhintay kaddib marki dooni ay la socdeen ay ku hallowday meel aanan ka fogeyn xeebaha Libya.

Hey’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta ayaa dhimashada dadkaasi ku eedeysay, badbaado la’aan, kaddib markii ay ciidamada badda ee aaggaasi ka ag-dhawaa iska indha-tireen qeylo dhaanta dadkaasi oo codsaday in loo soo gurmado.

Haweeneey u hadashay hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, oo lagu magacaabo Carlotta Sami ayaa sheegtay, in nasiib wanaag, dhawaan lasoo badbaadiyay ilaa 1,500 oo muhaajiriin ah. Waxay kaloo sheegtay in tahriibayaal kale oo cadadkoodu ka badanyahay 1,000 ay gaadheen dekadda Trapani ee jasiiradda Sicily, 1-di bishaan May kaddib marki ay soo badbaadiyeen ciidanka badda ee Talyaaniga.

Waxay sheegtay in ay indhaheeda ku aragtay muhaajiriin gaadhaya 450 oo uu xeebaha Talyaaniga kasoo badbaadiyay markab ay leedahay hey’ad NGO ah, howlgalkaas oo dhacay Talaadadi. Inta badan dadkaasi ayaa kasoo sharaacday xeebaha dalka Libya, iyaga oo watay doonyo aanan lagu safri karin, sida ay sheegtay Carlotta.

“Waxaan ogaannay in carruur badani ay ku jireen, kuwaas oo badankood aanan lala socon. Inta badan muhaajiriintan ayaa asal ahaan kasoo jeeda Mali, Galbeedka Africa gaar ahaan aagga gobolka Sahil, Eritrea iyo Waqootiga Africa. Dadka kusoo safraya badda waa kuwa ka imanaya dalalka ay ku badanyihiin dadka dalbada qaxootiga,” ayey tidhi.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.