Fana: At a Speed of Life!

Mulkiilaha Shirkadda Facebook-ga oo raaligelin ka bixiyay cilad ku timi barihiisa bulshada

Addis Ababa,Oct 05,2021 (Maskarem 25,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Aas-aasaha shirkada Facebook Mark Zuckerberg ayaa maalinnimadan Talaadada ah wax uu raaligelin hawada u mariyay malaayiin isticmaale oo ay lasoo deristay cilad ku timi shabakadaha taas oo saacado ay hakad galeen adeeggii baraha bulshada shirkada Facebook islamarkaana kala xanibtay habeennimadii isniinta dadkii ku xidhnaa baraha bulsshada ee ay  ka mid yihiin barnaamijyada-Facebook, Instagram, iyo WhatsApp  .

Isagoo muujinaya sida uu uga xun yahay dhibkaas, Zuckerberg wuxuu bartiisa Facebook soo dhigay ka dib carqaladeynta si loogu ogeysiiyo isticmaaleyaasha in aaladaha baraha  bulshada ay si tartiib tartiib ah ugu soo laaban doonto internetka hadda iyo in dadku ay awoodaan inay galaan ka dib ku dhawaad ​​lix saacadood oo ciladi haystay  isalamarkaana ay xannibmeen adeegsigii baraha xidhiidhka  bulshada ee shirkadda.

“Facebook, Instagram, WhatsApp, iyo Messenger ayaa hadda dib usoo galay khadka internetka,” ayuu Mark Zuckerberg ka sheegay boggiisa gaarka ah ee Facebook. “Waan ka xumahay cillada maanta – waan ogahay sida aad ku tiirsan tahiin adeegyadayada iyo sida ay muhiim u tahay  isku xidhnaanta dadka uu xidhiidhku ka dhaxeeyo.”

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.